Wednesday, October 30, 2013

Tuesday, October 22, 2013

Dib Udhis Lagusameeyay Digfeer Hospital


Waxaa DIb U dhis Xoogan Lagu Sameyay isbitaalkii weynaa Ee lagu Magacaabi JIray Digfeer oo ah isbiyaal ku bur buray Dagaaladii Xooganaa ee ka dhacy dalka somaliya gaar ahaan magaalda Muqdisho oo ah caasimada dalka somaliy dib u dhiska iyo bilicda isbitaalkaan ayaa waxaa u kuur galay wallaheeena turkiga oo balan qaday in uu caasimada somaliya lamataaneyndoono caasimada Turkiga Istanbul







Sunday, October 20, 2013

Daawo Sawirada:- Tartan Faneed ay ku Guuleysatay Kooxda Horseed Oo Xalay lagu qabtay Muqdisho


Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa sawirada tartan faneed xalay lagu qabtay Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Labada gole ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayadoo kooxda horseed ee ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay ku guulaysatay tartankii xalay.
Tartan faneedkan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir islamarkaana ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, xildhibaanno, mas’uuuliyiinta maamulka gobolka banaadir, Abwaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu tartarsansiinayay qaar ka mid ah kooxaha fanka ah ee dalkeena ka jira,

Tartan faneedkan xalay lagu qabtay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa natiijada iyo dhibcaha kooxaha tartamayayba loo xilsaaray gudi gaar ah oo ka kooban dad fanka ehel u ah sida abwaanka weyn ee Singub, fanaanadda weyn ee Hiba Nuura iyo sidoo kale farxaan Xidig








Saturday, October 19, 2013

Abwaankii Hantiyay Hibada Aoonta Geela.


Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Aw-magan (Cabdi Galayax) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wuxuu ahaa Abwaan hibo ilaahay u siiyay curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Abwaanku wuxuu dhashay 1930kii, wuxuuna ku dhashay meel Ulasan waqooyi uga toosan, wuxuuna ku soo barbaaray Wardheer, Shilaabo, Galgaduud iyo dhulka Ceelgaab loo yaqaan.

Wuxuu abwaanku maansadii ugu horreeyay tiriyay markii uu qaan gaaray ee uu 15 sano jirsaday, sababta maansadaas uu u tiriyayna waxay ahayd kadib markii aabihiis Muxumed Aw-magan uu la dhacay sida wiilkiisu uu geela u dhaqaaleeyo ayuu go’aansaday inuu siiyo geel uu lee yahay oo isaga u gaar ah, sidii buuna yeelay.

Cabdi galayax geelaas la siiyay waxaa la dhihi jiray dir Shawrood oo ahaa dir uu isagu aad u jeclaa, nasiib darrase hashii lasiiyaba waa ka dhimataa, isagoo arrintaas layaabban ayuu tiriyay maansadiisii ugu horraysay wuxuuna yiri:-

Nimanyohow dadba yaabye, hashaan geela ka doorto
Durba waa dhimataayoo, da’ba ii dhali maysoo
Dirran waa laga waayay, ma wadaad digrigii iyo
Diinka eebbe yaqaanoo, daliishii marinaayaan
Dugsigeed uga seexday, ma nin soo dibjiryoodoo
Dag-dagaysan rafaadoo, hadba saas u dayaayaan
Caaneheed ka darbeeyoo, daawadey ku ag maalay
Ma maantii la dareeroo, dagaalkeed lagu jeedoo
Fulaygii dib ku dhuuntaan, dirirteed gali waayoo
Halkaasay igu diidday, mise waa dayacaayoo
Waanan daajin aqoonoo, ayadoo dandaryaysan
Hadba naaga la daah iyo, daawis baan u baxaa
Mise duul culimaahoo, aan la daarin waxoodaan
Dulmi jeer uga qaadoo, akhribaa daba jooga
Mise duunya la’aantu, damac eebahay weeyoo
Daain wawgu samara?.
mar kalana isagoo isla geelaas ka le’anaaya ka hadlaya wuxuu yiri:-

Geelii dir showrood ahaa degelka loo qaadye
Dugaag iyo finbaa kala jabsaday dalawadiisiiye
Xaggeebaa dareen kaga jiraa dunida waa yaabe.

Abwaanku wuxuu ahaa ruux lexejeclada geelu ay aad ugu dheer tahay, hal la yiraahdo Aloos oo kasoo jeedda dir Shawrood oo abwaanku aad u jeclaa ayaa ka bakhtiday,  dabadeedna wuxuu dareemay calool xumo weyn iyo xasuus uu ku sheegayo inuusan weligiis illoobi doonin hashaas inta uu nool yahay, wuxuuna yiri:-

Inkastoon adduun badan tabcoon ariyo geel yeesho
Amaan aqallo waaweyn dhistoo ilixir lay daaho
Ama aabbe lay dhaho intaan oday ku weynaado
Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo
Itaalkeeda iyo qoorta iyo sida abuurteeda
Afarteeda naas iyo waxay idil walwaalaysay
Islaameedka ruuxii arkaa yaab la amankaagye
Illaacay ku tureen kuwii aad u fiirsadaye
Iniguna indhaha beelayaal waa la eersadaye
Aloosey mindhaa abadankay waana la illoobo

Intifaac adduunyada waxaan lala ekaynaynin
Waxaan igarka kaa diidahayn dhiminna aameelka
Oo ku ogoloo sida ilmaha kuugu ololaysa
Asaxaabihii iyo ma ogi uumankii hore e
Aadanahakani muusan arag neef la ayniyehe
Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Hadday aaranimadii horiyo ugub ku geeryooto
Amuu aar habeen dilo intay ibaha nuugaysay
Uurxumo daraadeed sidaan uma ekaadeene
Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Allaha unaxariistee Abwaan Galayax wuxuu u go’ay dhaqaalaynta geela yaraantiisii, dhallinyaro isaga la da’aada ayaa waxay dheheen Cabdiyow annagu magaalada ayaan galaynaa oo aan ka shaqaysanaynaaye na raac iska daa geelaan iyo dhibkiisee, dabadeedna wuxuu ugu jawaabay gabaygaan:-

Kabraalaha shaqaaliyo intaan kuuli qoranaayo
Ama kaariyow laygu oran kirada baabuurka
Amaan kurus hudheel lagu qaliyo kibista shiilaayo
Amaan hilib kalaankalahayoo beerka karinaayo
Amaan koorar wada suuda iyo kooyo tolanaayo
Amaan socodka waa lagu kibriye kor isu qaadaayo
Amaan marada kaawiyad dabloo kulul ku jiidaayo
Alleylehe kuraasey adaan kaalin kuu dhigiye
Adigaan kaliishiyo gugii koorta kuu sidiye
Adaan subax walbaba kuu kallihin kaymo doog badane
Adigaan karuurkaaga dhamin kaydka caanaha e
Adigaa kafaayada adduun kabay naftaydiiye
Adigaa haddii kiis I galo kaalmo ii noqone

Caanaha geela sida la xaqiijiyay waxaa ku jira maaddooyin badan oo jirka beni-aadamka faa’iidooyin uleh, abwaanku wuxuu waaya aragnimo ahaan ku arkay arrintaas,  wuxuu kaloo xusay in caanuhu ay isaga u yihiin cuntada ugu qiimaha badan oo saddexda waqtiba isaga uu ku nool yahay,  sidoo kale wuxuu sheegay in geelu uu u joogo meesha ragga xiniinyuhu ay u joogaan, wuxuuna yiri:-

Caanaha qiyaas laga lisiyo qoran karuurkeeda
Ayuunbaa quraac iyo cashaba lagu qaboobaaye
Qandha iyo kulayl laguma oga qabata meel baase
Qabsinkiyo calooshoo dhanbay qaras u diidaane
Inkastoo qasnado looga furo qadana loo yeelo
Magaalada ma qaayibo ninkay qaawo korisaaye
Qaxwe kulul qudaar iyo bariis qamadi laysiiyo
Qaddac subaga weel lagu daroo qiiqu ololaayo
Qalbiga waxawga sii roon inaan dhay qur-quriyaaye
Kol haddaan malkuhu ii qotomin qulubtay laabtiiye
Qisa nimaan lahayn baan ogayn qiimahay tahaye

wuxuu kusoo gabagabeeyay maadaama aanan gabaygoo dhan halkaan kusoo wada gudbin karin sidan:

Haddaan qarasha halkaas iigu jirin kuma qadiimeene
Qasdigaygu waa inaan iyada qararka daajaaye
Allow hayga qadin geelu waa qoorohoo kale e.


Abwaan Cabdi wuxuu geela ku hayn jiray dhulka doollo loo yaqaan ee dalsanka ah geeluna uu aadka u jecel yahay, wuxuu damcay inuu halkaas ka soo wareego oo gobolka galgaduud usoo guuro markii ugu horraysay, arrintaas isagoo geela kula ballamaya wuxuu yiri:-

Wax dhanbaad gobaadey fadhiday godanka doolloode
Wax dhanbaad geyiga toomahaan gaana ku ahayde
Wax dhanbaad markii geel cashiyo gibillo weyneyde
Wax dhanbaan guntaydii huroo gacalkay moogaaye
Wax dhanbaan go’doon uga maqnaa gole marreexaane
Haddaan aniga geeriyi ihelin gugan la eegaayo
Meeshii gulaankiyo lahayd daranta gaagaaban
Oo gaalshireedluhu jiraan kuu gudbinayaaye
Ka googooso goonyaha wardheer geeddi baa tahaye.

Waxaan qormadaydan kusoo gaba-gabaynayaa gabaygii uu abwaanku ku galay tartanka gabayada geela ee akadeemiyaha fanka iyo dhaqanku uu qabtay 1975kii, kaasoo ay kasoo qayb galeen abwaanno farabadan, dhawr wareeg ka dibna waxaa isku soo haray saddex nin oo uu Galayax ka mid yahay, waxaa ka muuqda gabaygaas aqoonta dheer ee uu u leeyahay abwaanku geela cudurada ku dhaca, inta waxyaalood ee dhibta iyo daaweyntiisaba, gabaygii uu maalintaas ku qaaday lambarka koobaad qayb ka mid ah ayaan kusoo xirayaa qormadaydan, waana sidan:-

Anoo qayd malaykaana qaba maraba waa cayne
Iyo haatan madaxayga oo meela ka caddaaday
Intaasaan mareerta usidoon daba malluugnaaye
Waxdhanbaan mataanaha ka shubay tii macaan badane
Waxdhanbaan wadaan uga mel-melay ceelal maax kulule
Waxdhanbaan ku miray toomihii mulufka weynaaye
Waxdhanbaan habeenkoo mugdiya mayracoo rogaye
Waxdhanbaan magaalo u huroo meeriyoo dhaqaye
Waxdhanbaan haween uga maqnaa mehersigoodiiye
Waxdhanbaan maqaarrada usiday igarro muuq dheere
Waxdhabnaan u maray baarqabtii maydabta ahaaye
Waxdhanbaan islaan soo martiyay gaawahaw muraye
Waxdhanbaan masaar qaatayoo mooradow dhigaye
Madow iyo caddiin iyo guduud midabyadii geela
Macnihiisa oo idil sidaan anigu moodaayo
Kolay maxamed iyo raage tahay odayadii mayday
Waa muran nin kale oo iyiri kaaga muunsaniye
Mas qallacay mariid bahalohoo micida gaarsiiyay
Ragaad muday makaab qoriyohoo milil ku feexoobay
Muddin dhugato macaluul dhukaan moobahdiyo shiirka
Mud qaniinihii faranfarkiyo macal idaadowga
Mariiqdaar miskaha baaba’shiyo mayraqiyo dheegga
Shinbir madax maddane eedihii rogayay maankeeda
Maggaw celiye muruq naas ka gala iba maruubowga
Maraq gooya mayraxa qabtoo muruxu boogoobo
Lis maroorsan maalliin xun oo maalin iyo leyla
Marrey qumayo habar moorifloo madida cawryaysa
Marti samirtay miciyaan tol iyo maato laga seexday
Col muleenshay ood maratay iyo xero madoobaatay
Mulbis tuug masaafa u eryaha weligi maydhaama
Manoy xadaya tii lagu maqlana muran lasoo taagan
Libaax muuda mawtiga dhurwaa mirasha goobtaaga
Intaasoo mahtalakooyinaa mooga leedahaye
Masuubada allow nooga hay maralka geeleenna

Sunday, October 13, 2013

Aqoon isweydaarsi la xiriiri Horumarinta Waxbarashada


Xarunta gobolka Hay land ee Degmada Dhahar ayaa waxaa ka dhacay Aqoon isweydaarsi la xiriira Arimaha waxbarashada gobolka,waxaana kulanka aqoon isweydaarsiga ah ka qayb galaya 19 Maamule oo ka socda 19 Dugsiyo waxbarasho oo ku yaala Gobolka Hay lan.
Axmed Maxamuud Cumar oo kamid ah Macalimiinta Degmada Dhahar ayaa SPR u sheegay in is Aqoon isweydaarsigani xooga lagu saarayo Waxbarashada iyo sidii loo hormarin lahaa Ardayda loona aruurin lahaa xog la xiriirta Waxbarashada Ardayda iyo duruurfaha soo wajaha Ardayda ee u baahan in wax loogala qabto.
Aqoon isweydaarsigan ayaa la filayaa in qodobada kasoo baxa ay noqdaan kuwo mira dhal u noqdo waxbarashada gobolka Hay lan,iyadoona gobolka uu yahay gobolada Kaalimaha hore uga jira waxbarashada Deegaanada Puntland.
Waxaa uu kusoo beegmayaa Aqoon isweydaarsigani Xili Ardayda wax ka barata dugsiyada gobolka Hay lan ay isu diyaarinayaan ina dib u bilaabaan  wax barasha doodiii

Taariikh Kooban Oo Kusabsan Dhagaxtuur


Dhagaxtuur waxaa laga yaabaa in maanta dad badan oo soomaliyeed ayasan oa qoon  ama asan war uhayn taariikhda Dhagax tuur ma mida somaliyeed oo dhan  hadaba waxaan maanta idiin soo gudbinaynaa taariikhda halgamaagii soomaliyeed ee Dhagactuur .
Dhagax tuur  waxay ehayd dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Oktoobar 5 teeda 1949kii. Dagaalkaas waxoo u dhaxeeyay ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL iyo gumeestihii Ingiriiska oo markaas heestay dalka oo dhan.Aas aasihii S Y L cabduqaadir sakhaawudiin ayaa gacan wayn ka gaystey siduu ugu dhaadhicin lahaa gumaysiga in Soomaalidu ay joogto waqtigii ay xur noqon lahayd.

Dagaalkii dhagaxtuur waxoo dhacay markii gumeestihii Talyaaniga oo codsanaayay in oo maamulkiisa oo ku maamulaayo soomaaliya oo sii wadanaayo.Talyaaniga waxoo shirar badan la galay Qaramada Midoobay, wadamo ka mid ah Carabta iyo dalka Yurub in oo si weyn ah u doonaayay maamulkiisa soomaaliya.

 Mudaaharaadyo balaaran ayaa ka dhacay caasimada muqdisho oo looga soo horjeeday gumeestihii talyaaniga, mudaaharaadyadaas waxaa soo dhaxgalay booliiskii gumeestihii Ingiriiska oo digniin u jeediyay dadkii banaanbaxaayay, isla markaas neh waxaa dhacday in dadkii mudaaharaadaayay ee dhagaxyo ku tuuraan askartii ingiriiska, waxeena shacabka ugu jawaabeen rasaas oo qiyaas ahaan 50qof ku dhaawacmatay, 2 qof neh ku geeriyootay.askartii ingiriiska neh 5 aa uga dhi matay gumeys tahay

Friday, October 11, 2013

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud


Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud….
1-Su’aal Sheeg ninkii Nebigana ahaa Boqorokana ahaa?
1-Jawab: Wuxuu ahaa Nebi Suleymaan Cs.
2-Su’aal Sheeg Boqortooyadii Nebi Suleymaan imisa sano ayey dhisneed?
2-Jawab: Waxay dhisneed 40 Sano.
3-Su’aal Sheeg  imisa jir buu-ahaa markuu Nebi Suleymaan Cs Aabihiis xukunka kala wareegaayey?
3-Jawab: Wuxuu jiray 12 sano.
4-Su’aal Sheeg Labadii Nebi ee walaalaha ahaa isku mar-ladiray isku qoom-na loo-diray?
4-Jawab: Waxay kala yihiin Nebi Muuse Cs iyo Nebi Haaruun Cs.
5-Su’aal, Sheeg ninkii ugu horeeyey ee sameeyey  Canbuur bireedka dagaalka?
5-Jawab: Wuxuu ahaa Nebi Daa’uud Cs.
6-Su’aal Sheeg  Zeyd Bin Xaarith markii la-qafaalanaayey imisa jir-buu ahaa?
6-Jawab: Wuxuu jiray 8 sano.
7-Su’aal Sheeg Xaaskii ugu horeesey ee uu guursaday Zeyd Bin Xaarith?
7-Jawab: Waxa weeye Zeynab Bintu Jaxsha.
8-Su’aal Sheeg meesha uu ku yaal madxafka ugu weyn dunida?
8-Jawab: Wuxuu ku yaalaa alexandaria Egypt (Masar)
9-Su’aal Sheeg magaca ninkii ku soo daray xisaabta Jajab Tobanlaha?
9-Jawab: Waxaa weeye Jamshiid Bin Masud
10-Su’aal Sheeg shayga dareeraha ah eek u bara-fooba kulka (kuleel).
10-Jawab: Waa ukunta.
11 –Su’aal Sheeg Qasri bili’aadamka uu lee-yahay kan ugu weyn meesha uu ku yaalo?
11-Jawab: Jawab wuxuu ku yaalaa dalka burunaay, Waxaana iska leh Boqortooyada dalkaasi ka dhisan.
12-Su’aal Sheeg seddex ( 3) Magaalo oo ku kala yaala Africa, Asia, America oo haddii la-micneeyo ay
     Isku Micno yihiin?
12-Jawab: Waxay kala yihiin. New York, Addis Ababa, iyo New Delhi. Micnahooduna waa ubixii cusbaa.
13-Su’aal Sheeg waqooyiga soomaaliya sanadkii uu yimid gumeystaha ?
13-Jawab: Wuxuu yimid Sanadkii 1887.
14-Su’aal Sheeg   Koonfurta soomaaliya sanadkii uu yimid gumeystaha?

14-Jawab: Wuxuu yimid sanadkii 1889.

Monday, October 7, 2013

Raad Raac


Halkaan waxaad ka baran doontaan  dhaqan kii iyo taariikhdii soomalaiya anagoo dib u eegi doona  una raad raaci doona

Aqoon Guud


halkaan waxa idin ku soo gud binayanaa aqoon  kororsi  taas oo aad ka dhaxli doontaan  aqoon guud ahaaneed anagoo ka eegi doona dhan walba

Goobo Loogu Talagakay In wax Laga Aqristo


halkaan waxaan idn ku diyaarinayanaa  goobo aad wax aq risan doon taan anagoo  idiin kugu soo gud bin doona  cashoao iyo  wax yaalo kale oo ku saab san bahida wax barasho si aad uga faa iidaysataan

Su aalo Iyo Jawaabo


hal kaan waxaan idin kugu soo badhigi doonaa su aalo iyo jawaabo ku waas oo isugu jiri doona  diini iyo maadi
ha daba kororso aqoon  oo wax kabaro goobaha loogu talgalay wax barashada 

Munaasabaddo Ay Ku Qalin Jebinayeen 222 Arday Oo Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Plasma


Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa sawirrada munaasabaddo ay ku qalin jebinayeen 222 Arday oo 111 ka mid ah ay gabdho yihiin oo maanta lagu kala qabtay xeebta Liido iyo Hotelka City Palace oo ka wada tirsan degmada C/casiis waxaana ay ardaydan ka qalin jebiyeen Jaamacadda Plasma.




Sunday, October 6, 2013

99 Sano Jir Qalin Jabshay


Nin 99 sano jir ah ayaa hada ka qalin jabiyay College, 80 sano ka hor ayu isaga tagay WAXBARASHADA waqtigas oo dhaqaale xumada ballaaran ay aduunka ka jirtay, iyado 1 semester oo kaliya ay uga harsaneyd qalin jabinta ayuu helay shaqo 150$ bishii ah sidaasna uu uga tagay College-kii, ha yeshee hada ayuu dib u dhamestay.

Hadaba ujeed kaa aan  sawirkaan usoo qaadanay waa in aan  oganaa in waxabaradu tahay  shay qaali ah  hadana laga waynaan oo ay  da'a walba ay wax baran karto ha ahaado qof dhalin yaro ah ma qof wayn 

sdfghjkl


kismaayo24

MUHIIMADA


Halkan waxaan idin ku soo ban dhigi doo naa wax yaala ha muhiim ka siiba arada iyo mac luumaadkii  aan isleenahay waa mid u fa iidayn karta dad ka wax baranaya