Saturday, October 19, 2013

Abwaankii Hantiyay Hibada Aoonta Geela.


By on 8:59 PM

Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Aw-magan (Cabdi Galayax) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wuxuu ahaa Abwaan hibo ilaahay u siiyay curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Abwaanku wuxuu dhashay 1930kii, wuxuuna ku dhashay meel Ulasan waqooyi uga toosan, wuxuuna ku soo barbaaray Wardheer, Shilaabo, Galgaduud iyo dhulka Ceelgaab loo yaqaan.

Wuxuu abwaanku maansadii ugu horreeyay tiriyay markii uu qaan gaaray ee uu 15 sano jirsaday, sababta maansadaas uu u tiriyayna waxay ahayd kadib markii aabihiis Muxumed Aw-magan uu la dhacay sida wiilkiisu uu geela u dhaqaaleeyo ayuu go’aansaday inuu siiyo geel uu lee yahay oo isaga u gaar ah, sidii buuna yeelay.

Cabdi galayax geelaas la siiyay waxaa la dhihi jiray dir Shawrood oo ahaa dir uu isagu aad u jeclaa, nasiib darrase hashii lasiiyaba waa ka dhimataa, isagoo arrintaas layaabban ayuu tiriyay maansadiisii ugu horraysay wuxuuna yiri:-

Nimanyohow dadba yaabye, hashaan geela ka doorto
Durba waa dhimataayoo, da’ba ii dhali maysoo
Dirran waa laga waayay, ma wadaad digrigii iyo
Diinka eebbe yaqaanoo, daliishii marinaayaan
Dugsigeed uga seexday, ma nin soo dibjiryoodoo
Dag-dagaysan rafaadoo, hadba saas u dayaayaan
Caaneheed ka darbeeyoo, daawadey ku ag maalay
Ma maantii la dareeroo, dagaalkeed lagu jeedoo
Fulaygii dib ku dhuuntaan, dirirteed gali waayoo
Halkaasay igu diidday, mise waa dayacaayoo
Waanan daajin aqoonoo, ayadoo dandaryaysan
Hadba naaga la daah iyo, daawis baan u baxaa
Mise duul culimaahoo, aan la daarin waxoodaan
Dulmi jeer uga qaadoo, akhribaa daba jooga
Mise duunya la’aantu, damac eebahay weeyoo
Daain wawgu samara?.
mar kalana isagoo isla geelaas ka le’anaaya ka hadlaya wuxuu yiri:-

Geelii dir showrood ahaa degelka loo qaadye
Dugaag iyo finbaa kala jabsaday dalawadiisiiye
Xaggeebaa dareen kaga jiraa dunida waa yaabe.

Abwaanku wuxuu ahaa ruux lexejeclada geelu ay aad ugu dheer tahay, hal la yiraahdo Aloos oo kasoo jeedda dir Shawrood oo abwaanku aad u jeclaa ayaa ka bakhtiday,  dabadeedna wuxuu dareemay calool xumo weyn iyo xasuus uu ku sheegayo inuusan weligiis illoobi doonin hashaas inta uu nool yahay, wuxuuna yiri:-

Inkastoon adduun badan tabcoon ariyo geel yeesho
Amaan aqallo waaweyn dhistoo ilixir lay daaho
Ama aabbe lay dhaho intaan oday ku weynaado
Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo
Itaalkeeda iyo qoorta iyo sida abuurteeda
Afarteeda naas iyo waxay idil walwaalaysay
Islaameedka ruuxii arkaa yaab la amankaagye
Illaacay ku tureen kuwii aad u fiirsadaye
Iniguna indhaha beelayaal waa la eersadaye
Aloosey mindhaa abadankay waana la illoobo

Intifaac adduunyada waxaan lala ekaynaynin
Waxaan igarka kaa diidahayn dhiminna aameelka
Oo ku ogoloo sida ilmaha kuugu ololaysa
Asaxaabihii iyo ma ogi uumankii hore e
Aadanahakani muusan arag neef la ayniyehe
Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Hadday aaranimadii horiyo ugub ku geeryooto
Amuu aar habeen dilo intay ibaha nuugaysay
Uurxumo daraadeed sidaan uma ekaadeene
Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Allaha unaxariistee Abwaan Galayax wuxuu u go’ay dhaqaalaynta geela yaraantiisii, dhallinyaro isaga la da’aada ayaa waxay dheheen Cabdiyow annagu magaalada ayaan galaynaa oo aan ka shaqaysanaynaaye na raac iska daa geelaan iyo dhibkiisee, dabadeedna wuxuu ugu jawaabay gabaygaan:-

Kabraalaha shaqaaliyo intaan kuuli qoranaayo
Ama kaariyow laygu oran kirada baabuurka
Amaan kurus hudheel lagu qaliyo kibista shiilaayo
Amaan hilib kalaankalahayoo beerka karinaayo
Amaan koorar wada suuda iyo kooyo tolanaayo
Amaan socodka waa lagu kibriye kor isu qaadaayo
Amaan marada kaawiyad dabloo kulul ku jiidaayo
Alleylehe kuraasey adaan kaalin kuu dhigiye
Adigaan kaliishiyo gugii koorta kuu sidiye
Adaan subax walbaba kuu kallihin kaymo doog badane
Adigaan karuurkaaga dhamin kaydka caanaha e
Adigaa kafaayada adduun kabay naftaydiiye
Adigaa haddii kiis I galo kaalmo ii noqone

Caanaha geela sida la xaqiijiyay waxaa ku jira maaddooyin badan oo jirka beni-aadamka faa’iidooyin uleh, abwaanku wuxuu waaya aragnimo ahaan ku arkay arrintaas,  wuxuu kaloo xusay in caanuhu ay isaga u yihiin cuntada ugu qiimaha badan oo saddexda waqtiba isaga uu ku nool yahay,  sidoo kale wuxuu sheegay in geelu uu u joogo meesha ragga xiniinyuhu ay u joogaan, wuxuuna yiri:-

Caanaha qiyaas laga lisiyo qoran karuurkeeda
Ayuunbaa quraac iyo cashaba lagu qaboobaaye
Qandha iyo kulayl laguma oga qabata meel baase
Qabsinkiyo calooshoo dhanbay qaras u diidaane
Inkastoo qasnado looga furo qadana loo yeelo
Magaalada ma qaayibo ninkay qaawo korisaaye
Qaxwe kulul qudaar iyo bariis qamadi laysiiyo
Qaddac subaga weel lagu daroo qiiqu ololaayo
Qalbiga waxawga sii roon inaan dhay qur-quriyaaye
Kol haddaan malkuhu ii qotomin qulubtay laabtiiye
Qisa nimaan lahayn baan ogayn qiimahay tahaye

wuxuu kusoo gabagabeeyay maadaama aanan gabaygoo dhan halkaan kusoo wada gudbin karin sidan:

Haddaan qarasha halkaas iigu jirin kuma qadiimeene
Qasdigaygu waa inaan iyada qararka daajaaye
Allow hayga qadin geelu waa qoorohoo kale e.


Abwaan Cabdi wuxuu geela ku hayn jiray dhulka doollo loo yaqaan ee dalsanka ah geeluna uu aadka u jecel yahay, wuxuu damcay inuu halkaas ka soo wareego oo gobolka galgaduud usoo guuro markii ugu horraysay, arrintaas isagoo geela kula ballamaya wuxuu yiri:-

Wax dhanbaad gobaadey fadhiday godanka doolloode
Wax dhanbaad geyiga toomahaan gaana ku ahayde
Wax dhanbaad markii geel cashiyo gibillo weyneyde
Wax dhanbaan guntaydii huroo gacalkay moogaaye
Wax dhanbaan go’doon uga maqnaa gole marreexaane
Haddaan aniga geeriyi ihelin gugan la eegaayo
Meeshii gulaankiyo lahayd daranta gaagaaban
Oo gaalshireedluhu jiraan kuu gudbinayaaye
Ka googooso goonyaha wardheer geeddi baa tahaye.

Waxaan qormadaydan kusoo gaba-gabaynayaa gabaygii uu abwaanku ku galay tartanka gabayada geela ee akadeemiyaha fanka iyo dhaqanku uu qabtay 1975kii, kaasoo ay kasoo qayb galeen abwaanno farabadan, dhawr wareeg ka dibna waxaa isku soo haray saddex nin oo uu Galayax ka mid yahay, waxaa ka muuqda gabaygaas aqoonta dheer ee uu u leeyahay abwaanku geela cudurada ku dhaca, inta waxyaalood ee dhibta iyo daaweyntiisaba, gabaygii uu maalintaas ku qaaday lambarka koobaad qayb ka mid ah ayaan kusoo xirayaa qormadaydan, waana sidan:-

Anoo qayd malaykaana qaba maraba waa cayne
Iyo haatan madaxayga oo meela ka caddaaday
Intaasaan mareerta usidoon daba malluugnaaye
Waxdhanbaan mataanaha ka shubay tii macaan badane
Waxdhanbaan wadaan uga mel-melay ceelal maax kulule
Waxdhanbaan ku miray toomihii mulufka weynaaye
Waxdhanbaan habeenkoo mugdiya mayracoo rogaye
Waxdhanbaan magaalo u huroo meeriyoo dhaqaye
Waxdhanbaan haween uga maqnaa mehersigoodiiye
Waxdhanbaan maqaarrada usiday igarro muuq dheere
Waxdhabnaan u maray baarqabtii maydabta ahaaye
Waxdhanbaan islaan soo martiyay gaawahaw muraye
Waxdhanbaan masaar qaatayoo mooradow dhigaye
Madow iyo caddiin iyo guduud midabyadii geela
Macnihiisa oo idil sidaan anigu moodaayo
Kolay maxamed iyo raage tahay odayadii mayday
Waa muran nin kale oo iyiri kaaga muunsaniye
Mas qallacay mariid bahalohoo micida gaarsiiyay
Ragaad muday makaab qoriyohoo milil ku feexoobay
Muddin dhugato macaluul dhukaan moobahdiyo shiirka
Mud qaniinihii faranfarkiyo macal idaadowga
Mariiqdaar miskaha baaba’shiyo mayraqiyo dheegga
Shinbir madax maddane eedihii rogayay maankeeda
Maggaw celiye muruq naas ka gala iba maruubowga
Maraq gooya mayraxa qabtoo muruxu boogoobo
Lis maroorsan maalliin xun oo maalin iyo leyla
Marrey qumayo habar moorifloo madida cawryaysa
Marti samirtay miciyaan tol iyo maato laga seexday
Col muleenshay ood maratay iyo xero madoobaatay
Mulbis tuug masaafa u eryaha weligi maydhaama
Manoy xadaya tii lagu maqlana muran lasoo taagan
Libaax muuda mawtiga dhurwaa mirasha goobtaaga
Intaasoo mahtalakooyinaa mooga leedahaye
Masuubada allow nooga hay maralka geeleenna

About Mohamed

Mohamed is a 20 year old young guy who is blessed with the art of Blogging,He love to Blog day in and day out,He is a Website Designer and a Certified Graphics Designer.

0 comments:

Post a Comment